4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2019
Khabiir soo bandhigay tirada ciidamada AMISOM looga dilay Soomaaliya laga soo bilaabo sannadkii 2007dii

 

Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Khabiir u dhashay dalka Mareykanka ayaa soo saaray warbixin uu uga hadlayo tirada askarta AMISOM ee lagu dilay dagaallada Al-shabaab laga soo bilaabo sannadkii 2007dii.

Prof. Paul Williams oo ah khabiir  wax ka dhigga Jaamacadda George Washington ayaa warbixin cusub oo uu soo  bandhigay ku sheegay in baaritaano uu sameeyay uu ku helay tirada rasmiga ah ee ciidamada AMISOM looga dilay Soomaaliya. 

Tirakoobka uu sameeyay ayuu ku sheegay in khasaaraha soo gaaray Ciidamada AMISOM intii u dhaxeysay bishii March 2007 illaa bishii December ee sanadkii hore 2018 la dilay askar u dhaxeysa 1,483 askari illaa 1,884 askari.

“Qiyaasta la saadaalin karo ee dhimashada AMISOM inta u dhaxaysa March 2007 iyo Decembar 2018 waxay noqon kartaa inta u dhaxaysa 1,483 iyo 1,884,” ayuu qoray Prof Williams oo aqoonyahan arrimaha caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda George Washington.

Inkastoo Midowga Afrika aanu si rasmi ah u shaacin tirada rasmiga ah ee AMISOM looga dilay Soomaaliya, haddana Prof. Paul Williams ayaa tirakoobkiisa u adeegsaday inuu ka ogaaday Darbiga Xarunta Dhexe ee Midowga Afrika ku leeyahay Addis Ababa oo lagu qoray Liiska magacyada iyo darajooyinka Ciidamada Nabad Ilaaliyeyaasha Midowga Afrika lagu dilay howlgalka ka socda dalalka Burundi, Afrikada Dhexe, Koofurta Sudan iyo Soomaaliya.

Prof. Williams ayaa sheegay in bishii Agosto ee sanadkan 2019 in Darbiga Xarunta Midowga Afrika lagu qoray magacyada illaa 1,108 oo ah askarta lagu dilay Soomaaliya.

Warbixinada Maaliyadeed ee Midowga Afrika laga helay inta u dhaxeysa 2014 iyo 2018 waxay muujinayaan in Midowga Afrika ay bixisay lacag gaareysa 74.6 Milyan oo ah magdhawga Askarta la dilay.

Warbixintan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda oo lagu soo bandhigo tirada ciidamada AMISOM looga dilay Soomaaliya, inkastoo dhimasho intaa ka badan karto ama ka yaraan karto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]