4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Garoowe oo is beddelo looga dhawaaqay

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Puntland ayaa maanta soo saartay amarro lagu xasillinayo magaalada xarunta ah ee Garoowe.

Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen, wasiirka amniga, taliyaha ciidammada booliska iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in laga mamnuucay gudaha magaalada Garoowe hubka iyo in amar la'aan xabad lagu rido.

Maamulka waxaa kalo uu mamnuucay waddooyinka laamiga ah ee bartamaha magaalada in dhinacyadooda lagu iibiyo qaadka,iyada oo sidoo kale maanta la soo bandhigay ciidan la sheegay in loo diyaariyay xasillinta magaalada Garoowe.

Xarunta Puntland, waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu nabdoon dalka oo dhan, balse amarrada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida oo dhowr mar oo hore sidan oo kale loo soo saaray ayaan waxbadan sii socon.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]