3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Xildhibaanno taageeray go'aankii Odayaasha dhaqanka ay isku hortaageen qorshe ciidamo looga qaadi lahaa magaalada Beledweyne

 

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa taageeray go'aan Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan isku hortaageen ciidamo dowladdu qorsheysay in laga qaado magaalada Beledweyne lana geeyo degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim “Qoone” ayaa si kulul uga hadlay  dooda ka dhalatay ciidamo cusub oo dhowaan ka soo baxay tababar  islamarkaana ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

'' Waxaa wax lala yaabo ah in xuukuumadu dhageysan weydo baaqa odayasha dhaqanka gobolka oo uu horkacayo Ugaaska, waxaan fileynay in ay dhahdo wixii qaldamay waan saxeynaa..... laakiin ma'aha in leysku dayo in wixii la doono meesha laga fuliyo,.. dalkan waa sax waa Federaal... Laakiin haddii aan ciidamada laga keeni karin, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.... ma garanayo sababta kuwan Hirshabeelle jooga meel kasta loo geyn karo'' ayuu yiri xildhbaan Qoono

Wuxuu sheegay in wax laga xumaado tahay dhalinyaro yaryar oo dareys iyo hub toona heysan loogu tilmaamo ciidan loo qaadayo gobol kale, iyadoo dhinaca kale ayuu yiri magaalada Beledweyne 3km meel u jirta ay joogaan Al-shabaab.

''Arrintan cidda soo abuushay ma'aha cid mas'uuliyad Soomaliyeed ma tali karta, waa arin qalad ah, cid kasta oo ku lug lehna waxaa leeyahay ka laabta oo u hogaasama rabitaanka bulshada'' ayuu yiri xildhibaan Qoono.

Xildhibaan Farxiyo  Muumin ayaa sheegtay in gobolka Hiiraan aysan jirin degmo degmo u gubi karta, iyadoo tusaale u soo qaadatay degmada Buula-burte oo mudo dheer go'doon ku jirta, sidaa daraadeed ay filayaan ciidamadan la sheegay in laga qaadayo gobolka ee  ku jira xerada Lama-galaay noqon lahaayeen kuwii Al-shabaab ka xoreyn lahaa sida ay hadalka u dhigtay degmooyinka ay go'doomiyeen.

;;Annaga waxaa u arkeey-nay askartan kuwo loo tababarayo in ay gobolka ka howlgalaan Amnigiisana sugaan, laakiin haddii ahaayeen Askar Federaal loo tababarayay  micno kale ayeey yeelaneysaa, taas ayaaba u baahan in laga wada hadlo,,,, laakiin waxaan u aragnaa in ciidamadan  ay sugaan nabad-galyada gobolka '' ayeey tiri Xildhibaan Farxiya.

Doodda iyo khilaafka ka dhashay ciidamada dowladdu qorsheysatay in loo qaado degmada Dhuusa-Mareeb ayaa u muuqata mid sii xoogeysatay kaddib markii qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanku sheegeen arintan keeni karto dhibaato hore leh, kala shaki iyo in ay meesha ka baxdo aaminaadii lagu qabay sida ay hadalka u dhigeen dowladda federaalka.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo dhawaan ka hadlay arintan ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku xaq u leeyihiin in ay is hortaagaan qorshaha dowladda oo sida uu hadalka u dhigay la doonayo in lagu qaado dhalinyaro yaryar oo aan xitaa hubeysneyn, waxaana uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada looga saaro gaadiidka dagaalka iyo ciidamada ka socda qeybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaa oo ka yimid degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.

Magaalada waxaa ka soconaya kulamo shirar is daba joog ah intooda badan ka dhan ah qorshaha dowladda ee la xiriira ciidamada la sheegay in loo qaadayo gobolka Galguduud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    
 

 

 

 

 













Click here
9/11/2019 5:04 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay guddi ka soo tallo-bixinaya waddooyinka xiran ee caasimadda Muqdisho.

9/11/2019 4:55 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah ayaa ku dhawaaqday taariikhda xiritaanka dhageysiga dadweynaha ee muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

9/11/2019 4:43 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Dowladda Denmark ayaa kala wareegtay Hooyo Soomaaliyeed lix carruur ah oo ay dhashay, waxaana ay maxkamaddi ku riddiy xabsi sannad iyo sagaal bilood.

9/11/2019 4:28 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Dalka Rwanda ayaa noqday waddankii labaad ee Afrika oo oggaaladay inay qaabisho boqollaal magangalyo doon ah oo ku jira xeryo ku yaalla dalka Libya,kaddib markii horey dadkaas qaar ka mid ah la geeyay dalka Niger.

9/11/2019 4:25 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Puntland ayaa maanta soo saartay amarro lagu xasillinayo magaalada xarunta ah ee Garoowe.

9/11/2019 3:25 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqasho ugu tegay ciidamada xoogga dalka ee qeybta ka qaatay xoreynta Xudur, Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo ciidamo tababar kasoo baxay, oo la qarameynayo si ay qayb uga noqdaan ciidanka xoogga dalka ee loo qorsheynayo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay gobalka Bakool.

9/11/2019 3:13 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ka dhagax dhigay dhismayaasha Isbitaalka guud ee Xudur iyo Hoyga martida oo laga dhex dhisayo xarunta gobalka Bakool.

9/11/2019 3:01 PM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo labadii toddobaad ee ugu dambeysay socdaal ku joogay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

9/11/2019 10:26 AM EST
Arbaco, September 11, 2019 (HOL) –974 arday ayaa maanta ka qallinjabiyey jaamacadda Camuud xarunteedda magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

9/11/2019 8:11 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Hal ruux ayaa ku dhaawacmay tiro kalena waa la qabqabtay dhuxulaysato duulaan lagu qaaday degaano kala duwan oo ka tirsan koonfurta Sanaag iyo waqooyiga Sool.

9/11/2019 6:35 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee DDS C/fataax Sheekh Biixi ayaa mar su'aalo laga waydiiyay dhanka arrimaha dhulka ku saabsan sheegay in ay jiraan dilaaliin dadka ku dhex jira oo si sharci darro ah ku shaqaysta, isla markaana dadka ka iibiya dhul aan sharci ama Master Plane lahayn.

9/11/2019 6:21 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Abaare Salaadii Duhur ee maanta ayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafaddaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ku soo dhacay madaafiic dhowr.

9/11/2019 5:57 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kulamo kula leh kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliy (SMP4),

9/11/2019 5:49 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen mas'uuliyiinta ganacsatada gobolka Banaadir, ayeey ka soo saareen war-saxaafadeed la xiriira lacago looga qaado dhismaha Waddooyinka magaalada Muqdisho oo si qaldan loogu takrifalo.

9/11/2019 1:47 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xassan iyo wasiirada maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar-Nasar waxaa ay qalinka ku duugeen heshiiska isfahamka maalgashiga wada-jirka ee labada dal.

9/11/2019 1:33 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta Gareen ayaa kulan ayaa kulamo ka wada degmada Xudur ee gobolka Bakool oo maalintii shalay uu gaaray.

9/11/2019 1:17 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Weerar mas'uuliyadiisa ay sheegteen Ururka Al-shabaab oo ka dhacay dulleedka degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Barri ayaa lagu waramayaa in lagu dilay tiro ka mid ah askarta ciidamada Kenya.

9/11/2019 1:03 AM EST
Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ayaa shir guddoonka Shirkaasi ku wareejiyay dhigiisa dalka Ciraaq Maxamed Cali Xakiim.