4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Kulan looga hadlayo arrimaha qorshaha deyn cafinta Soomaaliya oo ka soconaya magaalada Addis Ababa

 

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kulamo kula leh kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliy (SMP4),

Waxaa si gaar ah kulanka looga eegayaa wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku  xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad, Wada hadalka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Wasiirka Qordheynta Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe

Inta uu socdo shirka Wasiir Beyle iyo wafdigiisa waxaa ay   kulama gooni  gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’addaha dhaqaalaha caalamka iyo  qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi  looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay…

Wasiirka Maaliyada  Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada  hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo  deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada  xaajoodka deyn cafinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]