4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Ganacsatada G Banaadir oo sheegay in si qaldan loo maamulo lacagaha looga qaado dhismaha Waddooyinka Muqdisho

 

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen mas'uuliyiinta ganacsatada gobolka Banaadir, ayeey ka soo saareen war-saxaafadeed la xiriira lacago looga qaado dhismaha Waddooyinka magaalada Muqdisho oo si qaldan loogu takrifalo.

Ganacsatada ayaa sheegay in  lacago taburacaad ah  oo loogu tala galay dhismaha Wadooyinka magaalada Muqdisho bil kasta si  joogta ah looga qaado hadana ayan jirin wax muuqda oo lacagtaasi lagu  qabto si khaldana loo maamulo.

War-saxaafaddeedka ka soo baxay kulanka ganacsatada oo nuqul ka mid ah soo gaaray Hiiraan Online ayaa siddan u dhignaa :- 

Halkan Akhriso War Saxaafadeedka Ganacsatada soo saareen

Ku: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Og. Handti-dhowrka Qaranka Soomaaliyeed

Og. Raysulwasaaraha Xukuumadda Fed. Soomaaliyeed

Og. Madaxweynaha Jumhuriyadda Fed. Soomaaliyeed

Ujeeddo: Warsaxaafadeed Wax Ka Qabasho Lacagta Jidadka

Annaga oo ah ganacsatada canshuurta ugu badan laga qaado , isla markaasna ah aasaasayaalkii tabarucaadka dib-u-dhiska waddooyinka  Muqdisho, lagana qaado  tabarrucaadda ugu badan, waxaan ka codsanaynaa  cid walba oo ay khuseyso in ay wax ka qabtaan musuqa lagu hayo lacagta  tabarucaadda dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho.

Lacagtaan tabarucaada ah oo hadda uu maamulo Maxamuud Cabdikariim Gabeyre, wax shaqo ah oo muuqda laguma qaban muddo hal sano ah.

Waxaan og-nahay in lacagtaas ganacsatadu looga qaado si joogto ah,  iyada oo aysan jirin hab isla xisaabtan ama xitaa warbixinta xaalka ay  ku sugan tahay lacagta muddadii uu maamulayey Gabeyre October 2018 ilaa  September 2019.

Sidaasi awgeed Ganacsatada laga qaado tabarrucaadda dib-u-dhiska waddooyinka waxay dalbanayaan in:

  1. La xaqiijiyo in lacagta lagu qabto AKOON (XISAAB) aammin ah,
  2. Talada lagu maamulayo lacagta laga tixgeliyo ganacsatada laga qaado lacagta ugu badan,
  3. La soo bandhigo xisaab xirka lacagihii loo uruuriyey dhismaha waddooyinka muddadii sanadka aheyd ee u dhexeysay Oktober 2018 – September 2019.

 Ma jiro wax jawaab ah oo dhinaca kale ay ka soo saareen war-saxaafaddeedka ka soo baxay ganacsatada gobolka Banaadir oo ka cabanaya in lagu takrifalo dhaqaalaha laga qaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]