4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2019
Dowladda Soomaaliya oo shir guddoonka Jaamacadda Carabta ku wareejisay dowladda Ciraaq

 

Arbaco, September, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ayaa shir guddoonka Shirkaasi ku wareejiyay dhigiisa dalka Ciraaq Maxamed Cali Xakiim.

Wasiir Cawad oo hadal kooban ka jeediyay Shirka Wasiirada Carabta  ayaa sheegay in qadiyada falastiin ay ahaaneyso qadiyada koowaad ee  wadamada Carabta ilaa iyo inta laga helayo dowlad madax bannaan oo  falastiin leedahay caasimadeeduna tahay magalada Qudus.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wadamada Carbeed looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa xiisadaha iyo qalalaasaha ka taagan wadamada Carbeed qaarkood,sida Libya,Yemen iyo Suuriya

Dhinaca kale isaga oo ka hadlayay Wasiir Cawad Arrimaha Soomaaliya ayuu sheegay inay weli jirto qatarta waxa loogu yeero Argagaxisada deegaannada qaar,waxaana uu ugu baaqay dowladaha Carabta ay Soomaaliya u baahan tahay in laga taagero dib u dhiska lana fuliyo balan qaadyadii ay horay ugu sameeyeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudo Lix  bilood ah ahaa Shir guddoomiyaha Golaha wasiirada Arrimaha Dibadda ee  Ururka Jaamacadda Carabta,isaga oo guddoomiyay shirar dhowr ah oo ay  yeesheen Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka Carbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]