4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2019
Zimbabwe oo joojisay xulka kubadda cagta Soomaaliya ee taariikhda sameeyay

Talaado, September, 10, 2019 (HOL)- Kooxda kubadda cagta Soomaaliya ee taariikhda sameysay ayaa ka hartay isreebreebka koobka adduunka 2022, kaddib markii ay guul darro kala kulmeen xulka kubadda cagta Zimbabwe.

Soomaaliya ayaa 1-0 kaga soo adkaatay lugtii hore, waana guushoodii ugu horreysay abid ee isreebreebka koobka adduunka.

Zimbabwe ayaa ku guuleysatay 3-1 lugtii labaad iyadoo labo gool ay dhalisay daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]