4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2019
Buug laga qorey Geedigii Fanka Cabdi Qays oo xalay lagu soo bandhigay Hargeysa


Talaado, September 10,  2019 (HOL)–Siyaasiga caanka ah ee Cali Yuusuf (Cali Gurey) ayaa xalay magaaladda Hargeysa ku daahfurey buug uu ka qoray suugaantii abwaanka weyn ee Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays) oo uu ugu magacdaray Geedigii Cabdi Qays.

Illaa saddex kun oo qof ayaa ka soo qaybgallay bandhiga Buuggan, waxaana iskugu yimid abwaano Caan ka ah gayiga Soomaalidda, siyaasiyiin iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Siyaasiga Cali Gurey oo lagu yaqaanay saaxadda Siyaasadda ayaa soo ururiyey suugaanta Cabdi Qays, waxaanu taariikhda Abwaanka u qaybiyey saddex marxaladood, qaybta kowaad waa wakhtigii fanka ku cusbaa, qaybta labaad oo uu sheegay inay ahayd sagaalkii sanadood ee u horeeyey xukunkii Maxamed Siyaad Bare, iyo qaybta saddexaad oo ahayd wixii ka dambeeyey sideetamaadkii oo ahayd wakhtigii sida adag ay iskaga hor yimaadeen xukunkii adkaa ee Maxamed Siyaad Barre, taasina ay keentay in muddo dheer uu ku jiro xabsiga.

Sidoo kale, qoraha buugu waxa uu sheegay in suugaantiisu u badnayd dhanka Jabuuti, sidoo kale, waxa uu sheegay in suugaanta Abwaan Cabdi Qays u qaybsan tahay, qayb jacayl ah, qayb duur xul ah, iyo qayb suufiyad ah oo arimaha diinta iyo wacdiga nolosha uu kaga sheekaynayo.

Abwaan Cabdi Qays ayaa suuganleydii madasha timid ka sheekaysay taariikhdiisa fanka, waxaanay ku sheegeen inuu kaalmo badan kaga jirey fanka, mar Abwaan buu ahaa, marka heesaa, mir laxanka ayuu samayn jirey marna Riwaayadaha ayuu matali jirey, taas ayaa ka dhigtay inuu dhinac wal oo fanka ah uu wada matali karo.

Buugaan ayaa dhalinyaraddu aad u xiisaynayeen, maadaama oo uu qorey nin siyaasi ah,isla markaana uu ka qorey abwaan dhinacyo badan oo nolosha ah suugaan ka tiriyey, waxaana lagu soo bandhigay madasha heesihii u horeeyey ee idaacadda Radio Hargeysa iyo Muqdisho ka baxa.

Sidoo kale, Abwaan Yuusuf Shaahir, Abwaan Dacar, Abwaan Xasan Weedhsame, Abwaan Aadan Tarabi iyo Abwaan Dheeg ayaaa intooduba u markhaati furey inuu yahay abwaan dad iyo xayawaanba u dooday, waxaana lagu soo bandhigay suugaan uu ugu doodayo Dameer, duqsi iyo jinacba, waxaanay sheegeen inuu noqday abwaanka xiitaa dugaaga u doodda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland