4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2019
Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la kulmay Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto

 

Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y. Yamamoto, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed,iyagoo halkaasi ku yeeshay wadahadal dhinacyo badan taabanayay. 

Sida wararku sheegayaan, labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay  kamid yihiin dib u habeynta ku socota garsoorka dalka iyo sidii ay u  soo laaban leheyd kalsoonidii ay shacabka ku qabeen nidaamka cadaallada  ee dalka.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y.  Yamamoto,ayaa sidoo kale gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya,  Baashe Yuusuf Axmed ku soo qaaday dhibaatada ay Shabaab ku hayaan  shaqada garsoorka, isagoo tilmaamay in taasi looga baaqsan karo oo  kaliya soo nooleynta kalsoonida rayidka ku qabo garsoorka dalka.

Dad  badan oo Soomaaliyeed oo ka baxa Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka oo  ay dowladda gacanta ku heyso, ayaa mararka qaar u cadaalad doonta  Maxkamadaha Al-shabaab, iyagoo ku andacoonaya in garsoorka dowladda uusan  sidii la rabay u shaqeyneynin, xiliyada qaarna dadka lacago badan laga  qaadanayo.

Balse Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu  ku jiro gudoomiye Baashe Yuusuf Axmed, ayaa hore uga digay reer Muqdihso  iney garsoor u tagaan Saldhigyada Shabaab eek u yaala gobolada dalka,  talaabana laga qaadi doono cidii arintaasi lagu arko.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]