4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2019
Maamulka Jaamacadda Hiiraan University oo beeniyay in lagu wareejiyay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed

 

Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Maamulka sare ee Jamacadda Hiiraan University oo goor dhaw kula hadlay warbaahinta xarunta Jaamacadda ee magaalada Beledweyne ayaa beeniyay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  iyo Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Maamulaha guud ee Jamaacadda Hiiraan University Axmed Muxumed Nuur Qoslaaye ayaa sheegay in dhismaha Jaamacaddan ay iska kaashadeen bulshada reer Hiiraan oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, islamarkaana maamulka Hirshabeelle awood u laheyn in ay ku wareejiyaan Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka.

''Jaamacaddan maamul iyo shaqsi midna ma dhisin, waxaa lagu dhisay dhaqaale laga ururiyay bulshada qeybaheeda kala duwan, ma aha xarun ama dhisme uu maamul leeyahay ama shaqsi gaar ah, waxaanan rabaa in aan xaqiijiyo halkanna ka sheego in warkaasi yahay waxba kama jiraan Jaamacadda Hiiraan University wali tahay Jaamcad reer Hiiraan leeyihiin '' ayuu yiri Qoslaaye maamulaha sare ee Jaamacadda.

Waxaa uu intaa ku darray in xitaa aan warka arintan ku saabsan wax la tashi lagala sameynin maamulka ugu sareeya Jaamacadda marka laga reebo oo kaliya in ay ku arkeen baraha bulshada, waxaana uu arintan uu ku tilmaamay in ay tahay mid laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.

''Waxaan og-nahay oo kaliya in uu jiro khilaaf hoose u dhaxeeya maamulka sare ee Jaamacadda iyo Wasiir Goodax oo salka ku haya arrimo siyaasadeed, waana tan keentay in Wasiir Goodax uu ku dhawaaqo in madaxweyne Waare uu ku soo wareejiyay Jaamacadda Hiiraan University si loogu biiriyo Jaamacadda Umadda, waana waxba kama jiraan arintaa'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maamulaha ayaa intaa in wax laga xumaado tahay in khilaafka noocaa ah ee siyaasadeed loo baabi'iyo masiirka Ardey Soomaaliyeed oo ku jirta heerkii ugu wanaagsanaa ee Waxbarashada.

 

''Ma'aha in madaxweyne Waare iyo Wasiir Goodax awoodda gacantooda ku jirta si qaldan ugu takri falaan, ma'ana aha in dano siyaasadeed oo gaar ah loo baabi'yo masiirka iyo mustaqbalka Ardey Soomaaliyeed oo ku jirta heerkoodii ugu wanaagsanaa ee Waxbarashada''ayuu warbaahinta u sheegay maamulka Jaamacadda. 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa bartiisa Facebook -ga soo dhigay qoraal kooban oo uu uga mahad celiyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle tallaabada uu qaaday ee ah in uu Wasaaradda ku soo wareejiyay Jaamacadda Hiiraan University.

Dhismaha xarunta Jaamcadda oo ku yaala deegaanka Ceel-Jaalle ee dulleedka magaalada Beledweyne waxaa ku dhawaad 10 sano waxaa deggan oo ay saldhig militari u tahay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Maamulka Jaamacadda ayaa marar badan oo hore ka codsaday dowladda federaalka in ciidamada laga raro xarunta Jaamacadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]