4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2019
Ra’iisul wasaare Khayre oo booqanaya Xudur

Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow lagu wadaa inuu gaaro magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Ra’iisul wasaaraha booqashadiisa waxaa lagu wadaa inay ku weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo mas’uuliyiinta dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.

Muddada uu joogo Xudur , ra’iisul wasaaraha Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo waxaa lagu wadaa inay kullamo la qaatan mas’uuliyiinta deegaanka iyo qaybaha bulshada.

Socdaalkan ayaa qayb ka ah booqasho uu ra’iisul wasaaraha ku joogay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]