4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2019
Abaaro xooggan oo laga soo sheegayo Koonfurta Soomaaliya

 

Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay halkaa ka jirto abaar xooggan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duuniyada.

Boqolaal xoolo dhaqato ah ayaa wajahaya xaalado macluul iyo abaaro darran, ayadoo kaliisha ay hor leedahay.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid gargaar geysey gobolka, ayadoo dhibaatada abaaraha ay ku darmeen isgaarsiinta meelaha qaarkood oo waxyeelo ba’an ay soo gaartey markii ciidmada Kenya ay beegsadeen dhowr barood oo ah kuwa shirkada Hormuud ee ku yaalla deegaanada xuduudda Kenya ku teedsan.

Abaaraha ayaa sidoo kale ka jiran deegaano kale oo ka mid ah Soomaaliya, sida ay dhowaan sheegeen mas’uulyiin ka tirsan Urur Gobboleedka IGAD oo ku shiray Nairobi.

Warbixinta IGAD ayaa lagu sheegay in 2 million oo qof oo ku nool Soomaaliya ay wajahayaan xaalado nololeed oo adag oo abaarta ay horseedday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]