4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2019
Kheyre oo booqday ciidamo Booliis ah oo lagu diyaarinayo magaalada Baydhabo

 

Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed ku diyaarineyaa ciidamo gaar ah oo ka qeyb qaata sugida Amniga deegaannada Koonfur Galbeed,kuwaas oo qaadanaya tababaro. 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo labadii cisho ee la soo dhaafay sugnaa  magaalada  Baydhabo ayaa sheegay in ciidamada haatan tababrada uga socdo  deegaannada Koonfur Galbeed ay noqon doonaan ciidamo Qaran.

Kheyre oo booqday goobaha lagu tababarayo ciidamadan ayaa sheegay in ay noqon doonnaan ciidamo gaar ah oo  qaba tababar casri ah,isla markaan ay qeyb weyn ka qaadan doonaan  howlgalla lagu sugaya ammaanka ee ka socda dalka sigaar ah deegaannada  Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka howlgala ciidamo Booliis ah, laakiin maamulku sheegay in aysan ku filneyn sugida amniga magaalada, taaasoo keentay in loo baahdo ciidamo dheeraad ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]