Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya
Arbaco, October,09, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo.
Kulankana waxa lagaga wada hadlay
xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub
sidii loo dardar-gelin lahaa. Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray mashaariicda
horumarineed ee midawga yurub iyo Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo
diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku
sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga
qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.
Ugu danbayntiina madaxweynaha
Somaliland oo uu kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo
iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka
iyo midawga yurub ku bogaadiyey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland
iyo midawga yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan.
Sidaasna waxa lagu sheegay
war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Dhinaca kale, safiirku waxa uu
booqasho ku tagay magaaladda Berbera, kaasi oo kulmay maayarka Berbera
Cabdishakuur Cidin, waxaanay hore u sheegeen in midowga Yurub ugu deeqay
horumarinta magaladda Berbera lacag dhan
todoba milyan oo dollar Maraykanka.
Inkastoo hore xukuumada
Somaliland u diiday mashruuca Yariisoow ee midowga Yurub ugu deeqay magaaladda
Muqdisho iyo Berbera, haseyeeshee illaa hada xukuumadda kam hadal in
mashruucaasi ka hirgalayo Berbera iyo in kale iyo inuu kulankani daarnaa
mashruuca Berbera laga hirgalinayey.
Waxa xusid mudan in safiirka
Midowga Yurub markii uu ka soo laabtay Berbera uu dooxa weyn ee Dacar budhuq
xanibay, taas oo saacado badan ku adkaatay inuu ka soo gudbo, waxaana iska
caado noqotay in xiliyada roobka uu dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhexeeya
kala xidho isku socodka gaadiidka, qaarkoodna uu dooxu qaato, hlka qaar badana uu naftooda halis galiyo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.