Dufcadii 11aad Oo Ka Kooban 606 Arday Oo Ka Qalinjabiyey Jaamacadda Admas ee magaaladda Hargeysa
Arbaco, October, 09, 2019 (HOL) – Dufcadii 11aad oo ka kooban 606 Arday ayaa maanta ka qalinjabiyey Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan oo loogu fooladeeyey loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadii Qalinjabinta Ardayda
Jaamacada Admas ayaa waxa ka soo qaybalay masuuliyiin ka kala socday xukuumada,
Xisbiyada Mucaaridka, Waalidiin, Arday iyo Martisharaf kale, oo uu horkacayo
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
kuwaas oo dhamaantoodba la qaatay farxada Ardayda qalinjabisay.
Ardaydan Jaamacada Admas ka
qalinjabisay maanta ayaa wax ka baratay culuumta kulliyadaha kala duwan ee
heerka Koowaad ee Degree iyo heerka labaad ee Master, waxaana ka mid ah
kulliyadaha ay Ardaydaasi ka qalinjabisay oo kala ahaa Project Planing and
Management, Accounting, Architecture and Urban Planning, Social Work,
Economics, Human Resource (HR), ICTV, Nursing, Development Studies, Management,
Public Heath iyo kulliyado kale oo ay bixiso Jaamacaddu.
Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka
hadlay Madaxweynaha Jaamacada Admas Dr. MollaTsegay, kaas oo balanqaaday in
Jaamacada Admas qaybteeda Addis Ababa ay siisay deeq Waxbarasho 5 Arday ee ugu
sareeya ee maanta ka qalinjabiyey Jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa waxbarasho
bilaash ah oo shahaadada labaad ah (Master) .
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka
Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna
munaasibadaasi khudbad ardayda u jeediyey ayaa ku booriyey in “Mudaneyaal iyo
Marwooyin dhamaan, Ardayda Qalinjabinaysa, waxa maanta sharaf weyn inoo ah
inaynu ka soo qaybgalno xafladdan ay ku qalinjabinayaan in ka badan 606 Arday
oo wax ka bartay Jaamacada Admas, oo runtii wax weyn ku soo biirisay Qarankan.
Dhalinta iyo waayeelka
qalinjabiyey iyagana waxaan leeyahay hambalyo hambalyo, Illaahay waxaan idiinka
rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Jaamacada
Admas oo runtii ah jaamacadaha ugu mudan dalka oo muddo 15-ka sano ah wax weyn
ku soo kordhiyey, waalidka iyo macalimiinta waxaan leeyahay Hambalyo aadbaan
idiinku hambalyeynayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo khudbad u jeedinayey Ardayda
maanta ka qalinjabisay Jaamacada Admas.
Sidoo kale waxa iyaguna intii
munaasabadu socotay hadalo ka soo jeediyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen
Agaasimaha Tacliinta sare Axmed Muuse Muruud, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah
ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, Musharaxa Madaxweyne ku xigeen
ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Marwo Faadumo Siciid iyo masuuliyiin kale,
kuwaas oo dhamaantoodba ardaydii maanta qalinjabisay madashaasi uga jeediyey
hadalo dhiirigalin iyo dardaaran ah.
Munaaisbadan ay maanta ku
qalijnabiyeen ardayda Jaamacada Admas oo ahayd mid cajiib ah oo intii ay
socotay xafladda uu sii qurxiyey Roob Ardaydii iyo Waalidiintii damaashaadayey
ay aad ugu diirsadeen.
Sidoo kale waxa xusid mudan in
lix walaalo ah ay maanta ka qalinjabiyeen jaamacadda, Kulliyada HEALTH
OFFICERS oo loo dhaariyey inay sirta
bukaanka ilaaliyaan, Arday Qaxoonti ku ah Somaliland oo ardayda qalinjabinaysay
ka mid ah iyoWaaxda Imigrationka iyo
Dab-damiska oo bilado la siiyey, waxaanay arrimahani ka mid ahaayeen waxa ku
cusub jaamacadaha.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland