4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2019
Dhabbaha ay diyaaradaha ka duulaan ee Garoonka Muqdisho oo la xiray

 

Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)-Dhabhaha ay diyaaraduhu ka duullaan ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa si KMG loo xiray sida ay Hiiraan Online u sheegeen qaar ka mid ah shaqaalaha Garoonka.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii diyaarad xamuul sidda ay  candhada ku degtay kaddib markii ay luguhu u bixi waayeen. Weli lama hayo  wax faah-fahain ah oo intaas dhaafsan.

Howlwadeenada Garoonka ayaa isku dayay in dhinac looga leexiyo diyaaradan dhabbaha ay diyaaradahu ka duulaan si shaqada Garoonka u sii socoto.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]