4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2019
Kulamo xal loogu raadinayo shaqaaqadii dhaxmaray ciidamada Jabuuti iyo Booliiska Hirshabeelle oo ka socda degmada Jalalaqsi

 

Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)-Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan waxaa ka soconaya kulamo xal loogu raadinayo iska horimaad dhawaan degmada ku dhaxmaray ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM iyo ciidanka Booliiska Hirshabeelle.

Kulamada soconaya ayaa u dhaxeeya mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo gaaray degmada iyo saraakiisha ciidanka Jabuuti ee degmada Jalalaqsi.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayan in xiligan uu soconayo kulan u dhaxeeya mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Jabuuti iyo maamulka degmada Jalalaqsi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa xiisada  ka dhex-taagan ciidamada AMISOM iyo kuwa Maamulka degmada Jalalaqsi ee  gacan ka hadalka sababta iyo sidii ay markale u soo noqon laheyn.

Dagaalka labada dhinac ayaa qarxay kaddib markii ciidamada Hirshabeelle ay is hortaag ku sameeyeen qorshe amar ciidanka Jabuuti ay doonayeen in ay hawadda uga saaraan isgaarsiinta shirkadda Hormuud ee degmada Jalalaqsi xili ay ku guda jireen howlgal miino baaris ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]