4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2019
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ku baxay xalinta xiisad u dhaxeysa ciidamada AMISOM iyo Booliiska Hirshabeelle

 

Talaado, October, 08, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan halkaa oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamada Jabuuti iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Degmada Jalalaqsi ayaa waxaa dhawaan ku dagaalamay ciidamada Jabuuti  oo k amid ah AMISOM iyo ciidamada Booliska degmadaas, kaddib markii ay isku  khilaafeen in hawada laga saaro subaxdii hore Isgaarsiinta magaalada xilli ciidamada AMISOM ay howlgal miino baaris ah fulinayeen.

Ciidamada Jabuuti ayaa la wareegay dhamaanba xarumihii maamulka degmada iyaga oo sidoo kalana la sheegay in ay baad-goob ku hayaan saraakiil ka tirsan ciidanka Hirshabeelle oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyeen iska horimaadka dhacay.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa markii uu tago Jalalaqsi waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo Mas’uuliyiinta Maamulka degmada si loo xaliyo shaqaaqadii dhex-martay.

iska horimaadka Jalalaqsi ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhaxmaray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]