Talaado, October, 08, 2019 (HOL)-
Ilhan Omar oo ah Gabar Asalkeedu Somalia yahay oo ka tirsan Aqalka Looga arrimiyo
dalka Mareykanka ee[ Congress-ka] ayaa dacwad furiin oo ka dhan ah Seygeeda
Axmed Xirsi u gudbisay Maxkamad ku taala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Doodda ku saabsan dacwada
furiinka soo bilaabatay bishii Augusto ayeey ku sababeeysay Wada-noolashahoodii Qoyska
oo adkaaday, taasoo keentay in ugu danbeyntii ay furiinkan dalabato
"Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la
hayn," sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u
gudbisay Ilhan.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa
sheegaya in Ilhaan Omar xiriir uu kala dhaxeeyo Nin lagu magacaabo Timothy Mynett Ololaheedii doorasho ee ka mid
noqoshada Congress-ka Mareykanka.
Ilhaan
37 ah iyo Ninka ay kala tagayaan Axmed
Xirsi ayaa isku dhalay Saddex Carruur ah, iyaga oo is guursaday sanadkii
2002da, hasse ahaatee waxaa la sheegay in ay mar ay kala taggeen guurkoodii hore kaddib, balse dib isugu soo laabteen sanadkii 2018ka.
Warkan
ku saabsan khilaafka lamaanahan oo bilihii ugu danbeeyayba siweyn loo hadal
hayay ayaa u muuqda mid hadda soo dhamaaday kaddib markii ay Ilhan Omar ugu
danbeyntii dalbatay kala tagga Ninkeeda Axmed Xirsi.
Ilhan ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xiran ee loo
doorto Congress-ka Maraykanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]