Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo Ciidammada Maamulka degmada Jalalaqsi kaas oo Maanta ka dhacay gudaha degmada.
Ciidamada Jabuuti ayaa la sheegay in ay la wareegeen dhamaan xarumaha maamulka.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii maamulka degmada Jalalaqsi ay
diideen in la hawada laga saaro lana demiyo xarunta shirkadda Hormuud ee degmadaasi taas oo subax walba la demin jiray, kaddibna ay howlo miina baaris ah ay ciidamada Jabuuti sameyn jireen
Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa sheegaycin ciidamada
Jabuuti ee AMISOM ay gebi ahaanba la wareegeen xarumaha uu ku
shaqeynayay Maamulka degmada Jalalaqsi,isla markaana ciidamadii maamulkaas dagaal magaalada looga saara.
Waa iska horimaadkii ugu horeeyay ee dhaxmara ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]