Hay'adda caalamiga ah ee Muhaajiriinta oo Yemen ka soo celisay Qaxooti Soomaaliyeed
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta Adduunka ayaa qaxooti Soomaali ah waxaa ay kasoo celiyeen dalka Yaman, kuwaas oo laga dejiyey Dekadda Magalada Xeebeedka Barbara ee deegaannada Soomaaliland.
Qaxootigan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 147 ruux ayaa waxaa ku jira 56 Carruur ah, waxaana doon looga soo qaaday Dekadda Magalada Cadaan ugu dambeyna laga dejiyay dekadda Magalada Berbera Soomaaliland.
Dadkaan qaxootiga Soomaalida ah ayaa waxaa saameyn ku yeeshay
dagaalada ka socda dalka Yemen, iyada oo sidoo kale ay la soo deristay
intey ku sugnaayeen dalka yemen xaalad Bani’aadanimo,taas oo keentay in
Soomaaliya dib loogu soo celiyo.
Afhayeen u hadlay ururka Qarramada Midoobey ayaa sheegay in xilligaan
aysan wanaagsaneyn in Soomaaliya lagu celiyo qaxooti amni-darro ka jirta
aawgeed,hayeeshee dadka iskood u dalbada ay diyaar u yihiin inay
caawiyaan.
“Amni-darrada ka jirta Soomaaliya ayuu yiri culeyska qaxootiga oo jira,dadka doonaya in guryahooda loo celiyo waanu taageereynaa,dadka markaana geyno Berbera waxaan u qaban karno waan ku saacideynaa balse halka ay uga soo gudbayaan iyaga ayaa xor u ah ayuu intaasi raaciyay”
Dalka Yemen ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada dad badan oo Soomalai
ah ay qaxooti ku yihiin,kuwaas oo qaarkood ka cararay dagaaladii
sokeeye,halka qaarkood ay ku tageen tahriib, iyaga oo doonayay inay
dalkaasi uga soo gudbaan Sacuudiga,hayeeshee ay dagaalada ka socda
saameyn ku yeesheen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]