4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2019
Weftiga Somaliland ka socda oo ka qaybgali doonna caleemo saarka madaxweynaha Jubaland

 

Sabti, Octobar 05, 2019 (HOL )– Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay ka qaybgali doonaan caleemo saarka madaxweynaha maamulka Jubaland oo la filayo in bishan sagaalkeeda ka dhici doonto magaalada Kismaayo.

Shire ayaa sheegay isaga iyo laba xildhibaan oo guurtidda ka mid ahi ay qorshaha ugu jirto inay u boqolaan magaalada Kismaayo, waxaanu xusay in shacabka reer Jubaland ee la cunno qabateeyey ee diyaaradiihii laga joojiyey ay tusi doonaan inay la dareen yihiin.

“laba xubnood oo golaha Guurtidda ah iyo xubin golaha Wakiilada ah oo aniga ah inaanu safar ugu anbobixi doonno Kismaayo si aan uga qaybgalno caleemo saarka Axmed Madoobe”ayuu yidhi xildhibaan Shire oo sheegay inay ka qaybgalayaan caleemo saarka madaxweynaha Jubaland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weftigaasi ay ku jiraan xubno kale oo wasiiro hore iyo masuuliyiin xisbiyada mucaaradka ah, kuwaas oo kala qaybgali doonaan dadweynaha reer Jubaland caleemo saarka madaxweynahooga.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in iyagu is abaabuleen inay tagaan Kismaayo, isla markaana aanay xukuumaddu shaqo ku lahayn.

Dhinaca kale, waxa safarkaasi dhaliilay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanay ku tilmaamay arrin meeqaamka Somaliland hoos u dhigaya, taas oo aanu sharcigu ogolayn.

Sidoo kale, dadweynaha ayaa iyaguna arintaasi ku kala aragti duwan, qaaar taageersan iyo qaar ka soo horjeedaba iskugu jira.

Waa markii ugu horeysay ee taariikhda masuuliyiin reer Somaliland ka qaybgalaan caleemo saarka madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, taas oo labada gole sameeyeen sharci ka dhan ah qofkii ka qaybgalla arrimaha Soomaaliya inuu dambiile qaran yahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.