4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2019
Ugaadhsiga lagu hayo haadda oo ku faafaya gobolka Sool

 

Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Dagaal lagula jiro haadka noocyada hilibka cuna ayaa ku sii fidaya guud ahaan gobolka Sool.

Deegaanka Kalabaydh oo dhaca galbeedka magaalada Laascaanood ayaa lugu diley goror kaas oo la sheegay in uu ahaa mid duulaan ah.

Sidoo kale degaano ka tirsan Oog oo waqooyi kaga quman Laascaanood dhawr goobood ayaa laga soo sheegayaa in lagu laayey haadka.
 
"Dadka waxaa gu handaraabantay goror dadka cunaya taas oo keentay in ili aragtay dableyda loogu tilmaamo haadka oo aan ka maarmin meesha ay raqtaalo" sidaa waxaa HOL u sheegay Axmed Cali Faarax oo hawl wadeenada degmada Xuddun ka tirsan.
 
Axmed waxa uu intaas ku daray in ay dadaal ugu jiraan sidii ay dadka uga dhaadhicin lahaayeen in waxa la sheegayo ay yihiin waxaan waxba ka jirin, waxase uu sheegay in ay adag tahay sida looga dhaadhiciyo.
 
Arinta dagaalka ka dhanka ah haadka iyo shinbiraha qaarkood ayaa bilaabmay markii warbaahinta lagu buunbuuniyey dhacdooyin la sheegay in ay geysteen gorgoro.
 
Haadka la laayey oo aan loo kala aabayeelin ayaa ay ka mid yihiin Gorgor,Baqalye, Coomaade, Haad ka adag, Xuunsho, Galaydh  iyo dhamaan waxa hilibka cuna oo qaar shinbiraha hayb ku raacaan sida Guumeysta.
 
Lama saadaalin karo mustaqbalka haadda wadanka ku noolayd waxaase lagama maarmaan u noqon doonto in ay aadaan meel ay naftooda ku badbaadiyaan sidii ay ugaadhii kaleba u haajirtey.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool