Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa iska fogeeyay in uu heysto dhalashada Soomaaliya, isaga oo sheegay in uu yahay Kenyaan ku faraxsan dhalashadiisa.
Hadalka Aadan Barre Ducaale ayaa imanaya kaddib markii guddiga anshaxa, la-dagaalanka iyo ka hortaga musuq-maasuqa Kenya ayaa sheegay inay baaritaan ku hayso xildhibaanada isku heysata labada dhalasho islamarkaana ay waayi-doonaan xilalkooda haddii lagu soo caddeeyo in ay dalal kale dhalasho ka haystaan.
Aden Barre Ducaale ayaa beeniyay in
uu haysto dhalashada dal kale, ka dib markii arrintaa lagu eedeeyay
isaga iyo xildhibaanno kale oo qaar kood ay Soomaali yihiin.
Aadan Barre ayaa sheegay in ay shirqool u dhigayaan dad uu ku tilmaamay “kuwo iska dhigaya in ay shaqo hayaan, dadka kalena ku mashquulsan”.
Madaxa Fulinta ee Guddiga EACC, Twalib Mbarak wuxuu sheegay in
guddiga uu qaadi doono tallaabo, sida xil ka qaadis lagu sameeyo
dadkaas, haddii dembiga lagu helo.
Xildhibaannada kale ee baaritaanka lagu hayo ayaa waxaa ka mid ah oo qaarkood warbaahinta u sheegay in aysan heysan dhalasho aan aheyn tan kenya, Safiya Sheekh Aadan, Aadan Xaaji Cali, Maxamed Gaarane, Maxamed Daahiye iyo kuwa kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]