4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2019
Wasiir Sadiiq Warfaa: Waxaan haynaa in ka badan shan iyo toban milyan oo dollar oo loogu talagalay mashruuca badbaadinta Bulshada

Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in horey loo qaaddayo tallaabooyinkii u horreeyay ee lagu doonayo in lagu dhimo faqriga iyo shaqo la'aanta.

Wasiir Warfaa, oo maanta khudbad ka horjeediyay Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaca ka qaadday in dib ugu noqoshada miisaaniyadda sannadka 2019-ka oo maanta Baarlamaanka loo gudbiyay akhrinta koowaad inay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku leedahay in ka badan shan iyo toban milyan oo dollar oo loogu talagalay mashruuca badbaadinta Bulshada.

"Miisaaniyadda ku noqoshadda waxaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ,mashruuca badbaadinta Bulshada ugu jirta lacag dhan $15,853,857.. run ahaantii sharaf gaar ah ayay noo tahay." ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray " Mashruucan wuxuu gaaraya dalka oo dhan ula jeeddadiisa waxay tahay in faqriga lagu yareeyo oo deegaannada dadka inta ay ka soo qaxi lahaayeen lagu hayo."

Mashruuca badbaadinta Bulshada , waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bangiga adduunka,iyadoo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, uu caddeeyay inay ka go'antahay in la dhimo shaqo la'aanta iyo faqriga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]