4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2019
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay kala dirtay qarreennadii difaacayay kiiska Badda ee kala dhaxeeya Kenya

 

Isniin, October, 21, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar maalmihii ugu danbeeyay leysla dhaxmaraayay oo sheegayay in dowladda Soomaaliya ay kala dirtay qarreennadii u dooddayay dacwadda Badda ee hortaala Maxkamada Cadaallada ICJ.

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Saciid Faqi ayaa sheegay in warkaasi waxba kama jiraan yahay, isaga oo si gaar ah u xusay gabadha lagu magacaabo Muna Sharmaan oo aheyd qarreen Soomaaliyeed kuna jirtay Kiiska Badda si iskeed ah uga tagtay howsha kaddib markii ayuu yiri ay shaqo kala yeelatay.

“Muna Sharmaan waa gabar Soomaaliyeed oo ka tirsaneyd qareenadii  Soomaaliya u doodayey kiiska Badda, balse dhowaan ayey soo wacday  Madaxweynaha, iyadoo u sheegtay iney shaqo ka heshay Bankiga adduunka,  waxayna ka cudurdaaratay ineysan ka sii mid ahaan karin qareenada  Somalia u doodaya” ayuu yiri danjire Cali Saciid.

Wuxuu sheegay in Muna cid ka saari kartay aysan jirin dacwadda Badda, taa badalkeedana ay mudan tahay abaalmarin, isaga oo arin ceeb iyo fadeexo ah ku tilmaamay in warar noocaas ah la faafiyo.

Wuxuu meesha ka saaray in ay jiraan qarreeno cusub oo ay qabatay dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in wali qarreennadii u doodayay Kiiskan sidoodii u shaqeynayaan marka laga reebo Muna oo cudurdaaratay.

“Waxay leeyihiin in qarreennada u dooda Soomaaliya waa kuwo cusub, khibradooda yar tahay ee rakhiis lagu soo xushey. Arrintaas waa been Lawyaradeeni (Paul Reichler, Prof. Philippe Sands iyo Alain Pellet) waa kuwii weligooda noo doodi jirey ee kuwo cusub ma jiraan. Waana kuwa ugu caansan addunka marka ay timaado arrimaha badda” ayuu yiri danjiraha.

Maxkamada ICJ ayaa dib u dhigtay ilaa bisha Jun ee sanadkan 2020 dacwada Badda kaddib markii dowladda Kenya codsatay in muddo sannad ah dib loogu dhigo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]