Mareykanka oo ku bixinaya lacag dhan $ 257 Million wax ka qabashada xaaladaha Bani'aadannimo ee Soomaaliya
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay bixinta $ 257 million oo dollar oo dheeraad ah si wax looga qabto xaaladaha Bani'aadannimo ee ka jira dalka Soomaaliya.
Maareeye Ku-xigeenka Gargaarka Mareykanka Gabadha lagu magacaabo Diana Putman ayaa qoraal ay soo saartay ku
sheegtay in lacagaha loogu talo galay sanadkan 2019 ay wax ka
qabashada gaajada naf-gooyada ah iyo nafaqo-xumada ka jirta dalka gudihiisa, sida in la helo biyo nadiif ah, daryeel caafimaad oo deg-deg ah, waxbarasho, iyo
badbaadin dadka ay saameeyeen iska-horimaadka socda iyo abaaraha soo noqnoqda.
gudaha Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada deriska ah.
Soomaaliya ayaa wajaheysa dallag-yaradii ugu ba'neyd muddo 25 sano ah, iyadoo 2.1
milyan oo qof ayaa wajihi kara gaajo nafta halis gelisa iilaa bisha Diseembar ee sanadkan , sida
lagu sheegay qiyaasaha ugu dambeeyay ee la sameeyay.
Waxaa intaa sii dheer in ku dhawaad 2.6 milyan oo qof - ama shantii qof ee Soomaalida ah midkood ku barakacay
gudaha dalka, halka in ka badan 730,000 ay magan-galyo ka helayaan wadamada
deriska ah.
Mareykanka,
ayaa lagu yiri bayaanka, wuxuu ku dhiirigelinayaa deeq-bixiyeyaasha kale in ay
kordhiyaan tabarucaadooda si wax looga qabto baahiyaha bani'aadamnimada ee
muhiimka ah ee Soomaaliya iyo in ay ka caawiyaan dadka ugu nugul ee Soomaalida
ah si ay uga hortagaan dhibaatooyinka mustaqbalka.
Mareykanka
ayaa sheegay in uu wal wal xoogan ka qabo dhibaatada ka jirta Soomaaliya iyo la'aanta dhaqaale ku
filan oo bani’aadanimo oo wax looga qabto,waxaana warkaa sheegay hay'adda Mareykanka u qaabilsan gargaarka USAID.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]