4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Mareykanka oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu dib u furay safaaraddii uu ku lahaa Muqdisho

 

Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-War kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta si rasmi ah dib loogu aas-aasay safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya  ayaa la xiray 5-tii bishii Janaayo ee 1991-kii, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse Mareykanka ayaa bishii December ee sanadkii hore dib u aas-aasay howl-galkiisa diblomaasiyeed  ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dib u aas-aasidda safaaradda uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Yamamoto ayaa sheegay in tallaabada dib loogu aas-aasay safaaradda ay “dib u xaqiijineyso xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.”

Waxa uu yiri “Waa ahmiyad weyn oo taariikhi ah, oo caddeyn u ah horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa.”

Qoraalka howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaas ku daray “Tani waa tallaabo kale oo loo qaaday sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho tan iyo markii sanaddii 2018 la aqoonsaday dowladda Soomaaliya.”

Yamamoto ayaa ballan-qaaday in Mareykanka uu wadi doonno in uu saaxib  xooggan la ahaado Soomaaliya, si looga caawiyo dhismaha dal xasiloon oo  dimoqraadi ah.

Xigasho VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]