4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Khasaare ka dhashay Qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

 

Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku safarayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ka baxay Magaalada Muqdisho kuna  socdaalayay wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lagu  weeraray Labo qarax oo loo adeegsaday miinooyin lagu aasay wadada  dhinaceeda. 

Dad ku sugnaa goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen dhimashada iyo dhaawac askar ka tirsan ciidamada dowladda ee la socday gaadiidka la bartilmaameedsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in markii ay qaraxyadu dhaceen kaddib la maqlay rasaas culus oo u muuqata mid leys weydaarsanayo, inkastoo dhab ahaan aan la ogeyn in rasaastu aheyd mid ay ridayeen ciidamada dowladda ama is weydaarsadeed dabley kale.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa sii kordhayay qaraxyada lagu bartilmaameesanayo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowladdaha kale ee dowladda ka gacan siinaya dhinaca Amniga, waxaana weerarradii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka mas'uuliyadooda sheegtay Ururka Al-shabaab. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]