4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Muqdisho oo soo ceshatay Astamihii halgamayaashii gobannimo doonka Soomaaliyeed

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Muqdisho ayaa ku dhawaad 30 sano kaddib dib u soo heshatay Astaamihii iyo Talooyinkii Halgamayaashii Soomaaliyeed ee ku burburay dagaalladii Sokeeye ee ka dhacay dalka.

Madaxweyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xariga ka jray Taallada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, SYL, Dhagax-tuur, Xaawo Taako iyo Axmed Gurey oo dhamaantood ay caan ku heyd Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sidoo kale ay ku howlan tahay dhismaha tallooyin loo sameynayo dadka taariikhda ku leh halgankii gobannimo doonka.

Dadka reer Muqdisho ayaa siweyn u soo dhaweeyay in mar kale ay arkaan xasuustii halgamayaashii Soomaaliyeed oo laga yaabo in jiil badan oo dhashay burburkii kaddib ay wax badan ka baran doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]