4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Dibadbax Nabadeed oo ka dhacay magaalada Jigjiga

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL)-Shacabka kala duwan ee ku nool magaalada Jigjiga ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka laamiga ah ee magaalada, iyagoo wata boodhadh ay dareenkooda ku cabirayaan.

Haddaba Dibadbaxan ayay shacabku ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dadkii dhawaan ay Canfartu ku xasuuqday gudaha Gobolka Sitti.

Dibadbaxan ayaa ah kii u horeeyay ee degaanka ka dhaca tan iyo intii ay bilowdeen colaadda Soomaali iyo Canfar u dhaxaysa. Shacabka degaanka ayaa maalmahan gacan bidixeen ka dareemayay dhanka Warbaahinta dawladda oo habayaraatee aan ka hadlin dhibaatada soo gaarta Soomaalida iyagoo kaliya gudbinayay dhinaca Canfarta.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]