4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Cabsi laga qabo fatahaad Wabiga Shabeelle uu ka sameeyo magaalada Beledweyne

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Qaar ka mid ah qoysaska ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa durbaba bilaabay in ay isaga baxaan guryihiin ay degenaayeen, kaddib markii meelaha qaar wabigu ka sameeyay fatahaad aan badneyn.

Waxaa sii xoogeysanaya cabsida laga qabo in maalmaha soo socda wabigu  ku fataho magaalada madaama la soo warinayo in ay jiraan dadaad xoog leh oo ka dhashay roobabka xiriir ah oo ka da'aya dalka Itoobiya ku darsamaan biyaha wabiga oo hadda maraya heerkiisii ugu sareeyay

Xaafaddaha ugu daran oo ay hadda bilaabeen in ay qoysaska isaga baxaan ayaa waxaa ka mid ah Xaawo Taako iyo Kooshin oo ah meelaha ugu daran ee fatahaadu saameynta ku yeelato.

 

Ugu yaraan sanadkiiba hal mar ayeey dadka ku dhaqan magaalada kaddib marka uu fataho Wabiga Shabeelle oo hadda biyihiisu ay gaaraan xaafaddo markii hore aysan gali jirin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]