Shir looga hadlayay Arrimaha Maaliyadda iyo deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Washington
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)-Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay shir looga hadlayay Arrimaha Maaliyadda oo ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin ka kala tirsan hay'addaha IMF iyo Bankiga Aduunka, iyadoo dhinaca Soomaaliya shirkan ay ka qeybgaleen wafdu uu horkacayo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta Dalka iyo sida ay Dowladda Soomaaliya uga qo'antahay buuxinta shruudaha ku xiran in dalka deynta laga cafiyo.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Dowladda Ingiriiska ayaa xubnihii ka
qeyb galay waxaa ay isla qiree in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka Dalka iyo gaaridda barta go'aanka ee deyn cafinta dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada iyo Garab istaagga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan ku celcelisa in ay uu meel wanaagsan marayo qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, waxaana ay Wasaaradda Maaliyadu sheegtay in caalamku hadda u muuqdo mid ku qancaya hannaanka Maaliyadeed ee dalka iyo kobaca dhaqaale ee la sameynayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]