3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusa-Mareeb

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta oo Jimco ah gaaray degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud oo lagu wado in uu ka furmo kulan u dhaxeeya wafdiga dowladda iyo mas'uuliyiinta Ahlu Sunna.

Socdaalka wafdiga ayaa ee Dhuusa-Mareeb ayaa salka ku haya sidii loogu qanci lahaa mas'uuliyiinta sar sare ee Ahlu Sunna Waljameeca in ay la shaqeeyaan guddiga farsmada ee dowladdu u saartay dhismaha maamulka Galmudug iyo sidii loo soo anbaqaadi lahaa heshiiskii labada dhinac ee ku saleysnaa in la dhiso Galmudug raali leysaga wada hayay.

Maalinta berri ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay tagaan Dhuusa-Mareeb isla wafdi kale oo ka socda dowladda Federaalka kuwaa oo xoojinaya wada hadalada labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan xal u helida  tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlu Sunna si loo dhiso Galmudug loo  dhan yahay, islamarkaana la doorto hoggaanka maamulka Galmudug oo ay ku horgudbin yihiin culeys isugu jira kuwo siyaasadeed iyo deegaan intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 

 













Click here
10/18/2019 3:24 PM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Warar soo baxaya ayaa sheegaya is rasaaseyn caawa ka dhacday agagaarka Ex Hotelka Naasahablood2 ee magaalada Muqdisho in lagu dilay mid ka mid ah taliyayaasha hoggaanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

10/18/2019 1:37 PM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL) - Afar musharax oo ka soo jeeda Soomaalida haysata dhalashada dalka Kanada ayaa u sharaxan doorashada dhawaan ka dhicidoonta dalka Kanada. Waana markii ugu horreeysay taariikhda dalkan Kanada oo ay iska soo sharaxaan tiro intaa la eg oo ka soo wada jeeda Soomaalida ku nool dalka Kanada.

10/18/2019 12:34 PM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Muqdisho ayaa ku dhawaad 30 sano kaddib dib u soo heshatay Astaamihii iyo Talooyinkii Halgamayaashii Soomaaliyeed ee ku burburay dagaalladii Sokeeye ee ka dhacay dalka.

10/18/2019 10:31 AM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)-Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay dagaal ku dhaxmaray deegaan hoosta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan dagaalyahannada Al-shabaab iyo xoogagga la baxay Macwisleey oo ka tirsan dadka deegaanka

10/18/2019 10:17 AM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)-Shacabka kala duwan ee ku nool magaalada Jigjiga ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka laamiga ah ee magaalada, iyagoo wata boodhadh ay dareenkooda ku cabirayaan.

10/18/2019 8:23 AM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)-Boqolaal ka mid ah gaadiidka Bajaajta ayaa ku cidhan saldhigyada magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool kadib markii ay ka horyimaadeen bixinta cashuurta Dawlada Hoose.

10/18/2019 8:14 AM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Qaar ka mid ah qoysaska ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa durbaba bilaabay in ay isaga baxaan guryihiin ay degenaayeen, kaddib markii meelaha qaar wabigu ka sameeyay fatahaad aan badneyn.

10/18/2019 4:44 AM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)-Xuno ka kala tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Puntland oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Buuhoodle ayaa u muuqda kuwo aan rajo weyn ka gaadhin dhismaha golaha degaanka.

10/18/2019 4:30 AM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)-Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay shir looga hadlayay Arrimaha Maaliyadda oo ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin ka kala tirsan hay'addaha IMF iyo Bankiga Aduunka, iyadoo dhinaca Soomaaliya shirkan ay ka qeybgaleen wafdu uu horkacayo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

10/18/2019 2:33 AM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Degmada Dhuusa-Mareeb waxaa wali ka soconaya kulamo kala duwan oo lagu xalinayo khilaaf ka dhashay guddi farsamo oo ay dowladdu u magacaawday dhismaha Galmudug oo ay ka biyo-diidan yihiin mas’uuliyiinta sare ee maamulka Ahlu Sunna.

10/18/2019 1:58 AM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Balanbale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo dhaxeysa labo maleeshiyo beelleed ay halkaaka taagan tahay, kaddib markii maalintii shalay lagu dilay deegaanka Qof Xoolo dhaqato ah.

10/18/2019 1:42 AM EST
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in la xalinayo sida uu hadalka u dhigay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.