Madaxweynaha Puntland oo sheegay in la xalinayo khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in la xalinayo sida uu hadalka u dhigay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Wuxuu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin in ay kaalin
mug leh ka qaataan sdii loo dhameyn lahaa khilaafka labada dhinac, isaga oo
yiri ‘’ Puntland waxey diyaar u tahay kaalinta kaga aadan xalinta khilaafka
labada dhinac ka qaadato, intii ay hadda wax socdeenna qeyb muhiim ah beynu ku
laheyn isku soo dhaweyntooda’’
Wuxuu sheegay in ay jiraan dad diidanaa nidaamka doorasho ee
Kismaayo ka dhacay, laakiin sida uu hadalka u dhigay aan miisaan badan ku dhax
laheyn dadka deegaanka.
‘’Waxaa iyaguna jiray Labo ruux oo saluug ka muujiyay
doorashada, iyagana markii aan u kuurtagalnay ma’aheyn miisaan badan oo
bulshada ka dhax muuqday, laakiin arrimahaa dhan waxaan ku dadaaleynaa in la
xaliyo ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa ka mid ahaa wafuudii ka
qeybgashay munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland, waxaana uu
hadalkiisan imanaya xili wali uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Federaalka
iyo Jubbaland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]