4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2019
Khamri iyo dadkii ka ganacsanayay oo lagu qabtay degmada Dhuusa-Mareeb

 

Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Ciidamada Amaan ka degmada Dhuusa-mareeb ayaa lagu waramayaa in ay gacanta ku dhiggeen tiro badan oo Khamri ah iyo dadkii ka ganacsanayay.

Saraakiisha ciiadmada Amaanka ayaa sheegay in Saddex ruux oo lagu soo qabtay  la soo taagi doono maxkamad si sharciga loo waafajiyo.

Dadka ku dhaqan degmada ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in markii ugu horeysay lagu qabto degmada Khamri ganacsi ahaan loo keenay, iyadoo aan horay looga baran deegaannadan guud ahaan gobolka Galguduud oo ay maamulayeen Ahlu Sunna Waljameeca.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Boosaaso lagu qabtay khamro badan iyo dadkii watay.

Dadka ku nool magaalada Dhuusomareeb ayaa aad u hadal haya khamrigan  tirada badan ee maanta magaaladaasi lagu soo bandhigay, waxaana horey  magaaladaasi ugu yaraa maandooriyaasha sida khamriga oo kale.

Inta badan hadad marka la eego gobollada dalka Soomaaliya waxaa caadi ka ah ka ganacsiga Khamriga oo la sheegay in Soomaaliya laga soo galiyo dhinaca Itoobiya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]