3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2019
Axmed Madoobe'' Diyaar ayaan u ahay in aan la hadlo cid kasta oo wax tirsaneysa

 

Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal lagu xalinayo wax kasta oo la kala tirsanayo.

Hadalkan ayuu ka sheegay khudbad uu xalay ka jeedinayay munaasabad lagu sagootinayay wafuudii ka  qeyb gashay caleema saarkiisa, waxaana uu sheegay in khilaafka kala dhaxeeya  dowladda Federaalka uu diyaar u yahay in wada hadal lagu xaliyo.

“Wada hadal iyo dib u heshiisiin diyaar baan u nahay cid walba oo wax naga tabanaysa miiska wada hadalkaan ku kala baxaynaa iyo sharciga”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Federaalka ay tahay hooyada Federaalka  ee dalka, isla markaan aloo baahan yahay wixii qalad ah ay saxdo, wixii  wanaag iyo sharci ahna la isugu yimaado, dadkana isu keento.

“Waxaan rabnaa wadanka dowladda iyada ayaa xukunta annaga khilaaf ma wadno hoggamintooda ayaan rabnaa xumaan ma wadno, waxaana diyaar u nahay wax kasta oo lagu xalin karo khilaafka gudaha iyo kan dibada”ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.

Maamulka Jubbaland ayaa weli wajahaya culeysyo uga imaanaya dhanka dowladda Federaalka, kaddib markii dhowaan Xukuumadda ay sheegtay in aanay aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya oo horay u sheegtay in aysan aqoonsaneyn dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe ayaan wali ka hadal baaqyadan is daba jooga ah ee ka imanaya madaxweynaha Jubbaland. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
  

 

 

 

 













Click here
10/15/2019 2:06 PM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Rag hubeysan ayaa ugu yaraan 16 qof ku dilay, islamarkaana qiyaatsii tobaneeyo kale ku dhaawacay xaafad yar oo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Ethiopia, sida ay booliska sheegeen Isniintii.

10/15/2019 11:09 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Doon usoo socotay magaalada Boosaaso oo rar kasoo qadaday deked ku taalla dalka Cummaan ayaa la sheegay inay ku degtay xeebaha badweynta Hindiya.

10/15/2019 10:40 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Ciidamada Amaanka degmada Dhuusa-mareeb ayaa lagu waramayaa in ay gacanta ku dhiggeen tiro badan oo Khamri ah iyo dadkii ka ganacsanayay.

10/15/2019 8:19 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu cabasho ka muujiyey laba xubnood oo lagu soo daray guddida doorashooyinka ee cusub.

10/15/2019 7:13 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Qatar ayaa difaacday hawlgalka Turkiga ee ka dhanka ah dagaal-yahannada Kurdish-ka ee Waqooyiga Syria, ayada oo sheegtay in Ankara ay u dhaqaaqday inay ka hortagto “halis kusoo wajahneyd”.

10/15/2019 5:52 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ku amray xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle inay dib ugu soo laabtaan magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka HIrshabelle kadib markii uu dhamaaday fasaxii ay ku jireen.

10/15/2019 2:05 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay Gaadii lagu soo xardhay Sawirrada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Kheyre oo maalintii shalay lagu soo bandhigay xuska Sanad-guuradii Labaad ee ka soo weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee 14kii October 2017 ka dhacy Isgoyska Zoobe.

10/15/2019 1:39 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)- Mas'uuliyiinta sare ee Ahlu Sunna Waljameeca ee fadhiggoodu yahay degmada Dhuusa-mareeb ee Gobol Galguduud ayaa dood ka keenay guddi dhawaan dowladdu u saartay farsamada iyo dhismaha maamulka Galmudug.

10/15/2019 12:32 AM EST
Talaado October, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray qoraal jawaab celin u ah warbixiintii dhawaan ka soo baxday xaafiiska Hanti Dhowraha Qaranka taasi oo sheegaysay in 18 milyan oo dollar ay ka maqan tahay qasnadda dowladda Federaalka.

10/15/2019 12:14 AM EST
Isniin, October, 14, 2019 (HOL) - Ayada oo nagu soo fool leedahay doorashada federaalka ee dalka Kanada, ayaa waxaa bishaan 13keedii lagu qabtay magaalada Ottawa kulan looga hadlayo muhimadda ay leedahay in laga qayb-qaato doorashada dhawaan ka dhici doonto dalka Kanada.