4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2019
Kulan looga hadlay muhimadda ka qayb-galka doorashada dalka Kanada

Talaado October, 15, 2019 (HOL) - Ayada oo nagu soo fool leedahay doorashada federaalka ee dalka Kanada, ayaa waxaa bishaan 13keedii lagu qabtay magaalada Ottawa kulan looga hadlayo muhimadda ay leedahay in laga qayb-qaato doorashada dhawaan ka dhici doonto dalka Kanada.

Kulankaas oo ay soo qabanqaabiyeen uruka Geeska Afrika ee Kanada (La Communauté Canadienne de la Corne de l’Afrique) ayaa waxaa hadalo muhiim ah ka soo jeediyey culumo magac weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kanada.

Culumadaas oo ka mid ahaayeen: Sheikh Cabdiraxmaan Bashiir, Sheikh Cabdixakiim Sugle Maxamed iyo Sheikh Muuse Faarax ayaa halkaas ka soo jeediyey muxaadaro isugu jirto ala ka cabsi iyo wargalin la xiriirta doorashada bishan Oktoobar 21keeda ka dhicidoonta guud ahaan dalka Kanada.

Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir ayaa faahfaahin dheeraad wax uu ka bixiyey diinta islaamka waxay ka qabto doorashada, marka laga fiirsho dhinacyada  sharciyadda, wajib-ahaanta iyo maslaxadda bulshada, wuxuuna jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kanada ku dhiirigaliyey in ay ka faa’ideystaan fursadda ay haystaan oo ay doortaan xisbiga ay dantooda ka dhex-arki karaan.

Kulaankaas oo lagu martiqaaday xisibiyada ka sharaxan bartamaha Ottawa ee xaafadda Vanier, ayaa waxaa halkaas soo xaadir oo kaliyah musharaxa xisbiga muxaafidka (Conservative Party) mudane Joel Barnard. Kaas halkaas ka sharaxay siyaasadda Xisbigiis kana codsaday in ay u codeeyaan.

Musharax Barnard ayaa halkaas lagu weydiiyey su’aal ay ka mid ahaayeen fududeynta socdaalka iyo jinsiyadaha (Immigration and citizenship), baqdinta laga qabo islaamka (Islamophobia).