Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhaw weerar Bambaano oo lagu qaaday gurigiisa lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Cali Sugaal iyo Wiil uu dhalay.
Lama oga cidda geysatay weerarkan Bambaano ee lagu tuuray guriga guddoomye ku-xigeenka waxaana goobta gaaray markiiba ciidamada nabad-galyada maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarro siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Jowhar iyo waddada isku xirtay Jowhar iyo Muqdisho ayaa lagu dilay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana uu guddoomiye ku-xigeenka la dilay noqonayaa kii labaad oo muddo bil gudaheed ah Qarax lagu dilo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]