3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2019
Dibadbax lagu taageerayo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka dhacay Magaalada Jigjiga


Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Waxaa maanta galinkii hore Jigjiga ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Abaal marintii la siiyay Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, banaanbaxan oo dadku isugu yimaadeen Garoonka Kubadda cagta ee Jigjiga ayaa waxay dadku wateen calamada degaanka iyo dalka, iyo waliba boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhegyo muujinaya taageerada shacabku u hayaan Abyi Axmed.

Haddaba  banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda degaanka u saraysa sida Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar iyo ku xigeenkiisa Adan Faarax, Odayaal dhaqameedka degaanka, Hooyooyin aad u badnaa iyo marti sharaf kale.

Madaxwayne Mustafe cagjar oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka maamulkiisa dhaliishan ay imaan karaan degaanka oo ay doodooda si xor ah Warbaahinta degaanka uga hadli karaan, balse ma aha ayuu yidhi in degaanka meelo ka baxsan laga hadlo maadaama aysan jirin wax dhib ah oo degaanka ka jirta oo u diidaysa inuu qofku degaankiisa yimaaddo.

Mar uu ka hadlayay arrinta Gobolka Sitti ee ay dhibaatadu ka jirto ayuu sheegay Mustafe cagjar in arrintaas dilka lagu hayo Soomaalida ay wax ka qaban doonaan balse ma caddayn siday wax uga qaban doonaan.

Hadallada Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa u muuqday kuwo jilicsan siiba markuu ka hadlayay dhibaatada ka jirta Gobolka Sitti, dadka deggan meelaha ay dhibaatadu ka jirto ee Gobolka Sitti ayaa u baahan gurmad degdeg ah oo dhanka dawladda, balse ilaa iyo hadda ma jirto gacan dawladeed oo dadkaas dhibaataysan lagaarsiiyay.

Guud ahaan jawigii goobta ee maanta ayaa ahaa mid deggan iyadoo ay ammaanka goobta ay sugayeen Ciidamada gaarka ah ee degaanka oo ay kamid yihiin Ciidanka Kamaandoosta oo si adag u sugayay amniga.

Banaanbaxan lagu taageerayay abaal marintii dhanka nabadda ee lasiiyay R/wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa sidoo kale ka dhacay degaannada dalka Itoobiya.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 
 













Click here
10/13/2019 3:02 PM EST
Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhaw weerar Bambaano oo lagu qaaday gurigiisa lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Shabeellaha dhexe

10/13/2019 12:24 PM EST
Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, wuxuu cambaareeyay Hoobiyeyaashii maanta lagu qaaday xarumaha Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee ku yaal caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Xalane

10/13/2019 11:05 AM EST
Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Maamulka degmada Jowhar ee goboka Shabeellaha Dhexe ayaa beeniyay in nin da’ ah oo ay Al-Shabaab ku dileen deegaanka Fiidow uu ka tirsanaa maamulka degmada Jowhar uuna hayay xilka guddoomiyaha xaafada Buulo Shiikh.

10/13/2019 8:21 AM EST
Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan tiro hoobiyeyaal ah oo ku dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan Xarunta AMISOM ee Xalane.

10/13/2019 6:34 AM EST
Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Al-shabaab goob fagaaro ah deegaanka Fiidoow ee gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ay toogasho ku fuliyeen maalintii shalay Nin Oday ah oo da'diisa lagu sheegay 82 sano jir ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle.

10/13/2019 6:24 AM EST
Axad, October,13, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ayaa maata oo Axad ah magaalada Muqdisho uga dhawaaqday daah furka diyarinta sharciga Naafadda Qaranka oo qeyb ka ah balanqaadyadii Soomaaliya ee ku xusnaa Qarramada Midoobey ee Naafadda

10/13/2019 4:20 AM EST
Axad, October, 13, 2019(HOL)-Ururka Jaamacada Carabta ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay duulaan ciidamada Turkiga ku qaadeen dalka Siiriya gaar ahaan xadka ay labada dal wadaagaan, waxaana kulankan looga hadlayay weerarkaasi Turkiga qaaday.

10/13/2019 2:24 AM EST
Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeeshaan kulankii 1aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka.

10/13/2019 2:19 AM EST
Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Dagaal culus ayaa ka socda Magaalada ku taalla xuduuda Siiriya iyo Turkiga ee Ras al-Ain xilli ciidamada Turkiga ay howlgalo militari ka wadaan waqooyi bari Suuriya.

10/13/2019 1:57 AM EST
Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo khudbad ka jeedinayay munasabad lagu maamuusayay maalinta Calanka ee 12ka October oo ku beegneyd maalintii shalay ayaa ku baaqay in la ilaaliyo sida uu hadalka u dhigay Madax-bannaanida Soomaaliya

10/13/2019 1:35 AM EST
Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshuhu yahay kulanka ugu soo horreeya ee Golaha Shacabka la horgeyn Mooshin ka dhan ah ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

10/13/2019 1:27 AM EST
Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Ugu yaraan 10 Askari oo Kenyan ah ayaa lagu waramayaa in lagu dilay qarx miino oo ka dhacay Sabtidii shalay deegaan duleedka ka ah maagalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.