4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2019
Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo diiday go'aan ka dhan Turkiga oo ka soo baxay Jaamacadda Carabta

 

Axad, October, 13, 2019(HOL)-Ururka Jaamacada Carabta ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay duulaan ciidamada Turkiga ku qaadeen dalka Syria gaar ahaan xadka ay labada dal wadaagaan, waxaana kulankan looga hadlayay weerarkaasi Turkiga qaaday.

Wasiirada Arimaha dibadda ee Jaamacada Carabta oo kulan ku yeeshay  magaalada Qaahira ee dalka Masar ayey kaga doodeen duulaanka Turkiga ku  qaaday Syria, waxaana kulankaasi lagu cambaareeyay weerarka dowlada  Turkiga.

Guddoomiyaha wadamada Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyd oo kulanka  ka hadlay ayaa sheegay in weerarka ciidamada Turkiga ku qaadeen gudaha  Syria uu yahay mid xad gudub ah faro galin qaawana ku ah dalalka  Carbeed.

Kulanka Jaamacada Carabta ayaa laga soo saaray Bayaan  lagu cambaareenayay duulaanka dowlada Turkiga, waxaana loogu baaqay  Turkiga in ciidamadiisa kala baxo Syria.

Bayaankaasi kasoo baxay Jaamacada Carabta ee lagu cambaareenayay dowlada Turkiga waxaa diiday in ay qeyb ka noqdaan dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo xiriir dhaw la leh dowlada Turkiga.

Ciidamada Turkiga ayaa gudaha u galay dalka Syria gaar ahaan xadka  ay labada dal wadagaan, waxa ayna Ciidamada dagaal kula jiraan xoogaga  hubeesan ee Kurdiyiinta oo dowlada Turkiga u aragto kuwa halis ku ah  amaanka dalkeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]