4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2019
12 ruux oo ku dhimatay shil ka dhacay dulleedka degmada Berbera

 

Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 12 ayaa ku dhimatay tirio ka badan tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kaddib shil gaari oo ka dhacay dulleedka degmada Berbera.

Gaariga ay dadkan ay la socdeen dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo ahaa gaari Noh ah ayaa la sheegay in uu ka dhacay gaari weyn oo kuwa xamuulka ah oo siday Qaad.

Gaariga Nohada ah oo ay la socdeen ka badan Labaatameeyo Ruux ayaa la sheegay in gabi ahaanba uu burburay.

Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Bashiir Diiriye Jaamac ayaa sheegay in shilkan gaari uu ka dhacay duleedka bari ee Berbera, waxaa uu tilmaamay in dadka dhintay ay afar ka mid ah ay yihiin dumar, halka 6 kalena ay rag yihiin.

Shilalka Gaari ee ka dhacay deegaanada Somaliland ayaa ka dhasha  dhimasho iyo dhaawac, waxaana sabab u ah waddooyinka qaar oo ah kuwo  burbursan iyo darawalada gaadiidka oo xawaare sare ku wada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]