4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2019
Dowladda Soomaaliya mar kale xayiraad ku soo rogtay duulimaadyada tooska ah ee tagga magaalada Kismaayo

 

Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Hay'adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa mar kale soo saartay xayiraad cusub oo ku aadan diyaaradaha tooska ah raba in ay taggaan magaalada Kismaayo, gaar ahaan duulimyaadyada ka imanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa Hiiraan Online u sheegay in aan la ogolaan doonin in ay toos uga daggaan magaalada Kismaayo duulimaadyada gaar ahaan ka imanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyaga oo aan soo marin Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Go’aankan oo ahaa mid horay u jiray oo ay dowladda Soomaaliya ka laabtay ayaa laakiin hadda dib loo soo celiyo, waxaana uu ku soo beegmay xili dowladda Kenya isku diyaarineyso in ay wafdi heer sare ah u soo dirto caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Mar Hiiraan Online ay weydiisay sarkaalkan ka tirsan Hay'adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya Su’aal aheyd waxa ay ka yeelayaan haddii la jabiyo amarkan ay soo saareen ee ah in duulimyaadyada ka imanaya gaar ahaan magaalada Nairobi soo maraan Garoonka Aadan Cadde ayuu yiri’’ Dabcan Soomaaliya waxa ay ku dhaqmeyso waa shuruuc caalami ah oo ah in ay soo saarto mar walba sharciyada quseeya Duulista hawadda, waxaana inta badan marka amarrada oo kale la jibiyo dowladduhu isticmaalaan ciidamadooda cirka si ay u soo dajiyaan diyaarada ku xadgudubta hawaddooda, sidaa daraadeed haddii la jabiyo amarkan aynu soo saarnay taas waxaa ay quseysaa ama talaa hay’addaha Amniga iyo dowladda Soomaaliya sida ay ka yeelayaan’’

Jawaabta sarkaalka ka tirsan waaxda duulista hawadda ayaa u muuqatay in Soomaaliya markan u baahan tahay in ay yeelato ciidamada cirka si loo foojignaado ku xadgudubka hawadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dacwad ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay hay’addaha duulista hawadda u qaabilsan Qarramada Midoobey ee ICOA, iyadoo sidoo kalana dacwadda arintan ka dhanka ah loo gudbiyay safiirka Kenya u jooga Soomaaliya.

Dhawaan ayeey aheyd markii diyaarad ka timid Nairobi ay si toos ah uga soo degtay garoonka Kismaayo, isla markaana jebisay amarkii horay uga soo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu faray dhammaan diyaaradaha aadaya iyo kuwa ka imaanaya Kismaayo ay soo marto Muqdisho.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]