4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2019
Soomaaliya oo dib ugu biirtay Urur Goboleedka Bariga ee la dagaalanka Ayaxa

 

Jicmo, October, 11, 2019 (HOL)- Waxaa duleedka magaalada Addisababa Bishoftu Itoobiya, kusoo gababoobay shirkii 64-aad Wasiirada Beeraha Bariga Africa ee Ururka Bariga Africa ee la dagaalanka Ayaxa Saxaraha(DCL0-EA) 10th-11th October 2019.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dib ugu biirtay ururka kadib 29 sano oo ay banaanka ka ahayd iyadoo 1991 kii kadib aysan qayb ka ahayn shaqooyinka ururka goboleedka DLCO-EA.

Wasiirka Beeraha Dowlada Federalka Itoobiya Dr.Sani Redi Ahmed oo ah Gudoomiyaha Urur Goboleedka ee sanadkaan iyo Agaasiimaha Guud ee Ururka Dr.Stephen W.Njoka,ayaa si rasmi ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu soo noqotay ururka DLCO-EA ee la dagaalanka Ayaxa guurguura ee lama dagaanka,iyadoo ay heli doonto adeegyada ururka u qabto dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka DLCO,

Ayaxa iyo Shimbiraha ayaa waxay ka mid yihiin dulimada hayaama dhib weyna ku haya beeraleyda Soomaaliyeed.

Ayaxu wuxuu dhib weyn ku hayaa goboladda Awdal, Bari iyo Sanaag. Halka Shimbiraha dhib weyn u geysteen dhammaan goboladda koonfureed Gu’gii aan soo dhaafney ayna dhibaata weyn u geysteen Bariiska iyo Masagada.

Dib ugu biirida Urur goboleedkan  waxay Soomaaliya u fududeen doontaa helida adeegyada ay u baahnaayeen beeraleyda Soomaaliya, taas oo yereen doonta khasaaraha beeraleyda Soomaaliya uga imaan jirey Ayaxa iyo Shimbiraha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]