Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Laba gantaal ayaa lagu weeraray Markab saliidda qaada oo ay leedahay Iran, xilli uu ku safrayey Badda Cad, meel u dhow Sacuudi Carabiya, sida ay maanta ku warrameen saraakiil Iranian ah.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Sacuudi Carabiya oo ku saabsan qaraxa lagu warramay.
Taleefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in qaraxa uu waxyeeleeyey
laba ka mid ah qolalka wax lagu keydiyo ee Markabkan aan magaciisa la
sheegay, islamarkaana uu sababay in saliid ku daadato Badda Cas.
Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA oo soo xiganeysa shirkadda
National Iranian Tanker ayaa markabka la weeraray magaciisa ku sheegtay
Sabity. Markabkan ayaa markii ugu dambeysay shitay aaladda lagu ogaada
halka uu ku sugan yahay bishii August, isaga oo ku sugan meel u dhow
dekedda Bandar Abbas ee Iran.
Warbaahinta Iran ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow xeebta magaalada Jeddah ee Badda Cas.
Lt. Pete Pagano, oo ah afhayeenka Markabka shanaad ee ciidamada Badda
Mareykanka ee qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sheegay inay ka warhayaan
warbixinno ku saabsan dhacdadan, balse waxa uu diiday inuu bixiyo
faah-faahin intaas dheer.
Qaraxan ayaa imanaya kadib markii Mareykanka ay bilihii tagay Iran ku
eedeeyeen inay maraakiib saliidda qaada ku weerareen meel u dhow
Marinka Hormuz, eedeymahaasi oo Iran ay beenisay.
Qaraxan cusub ayaa sare usii qaadi kara xiisadda ka dhex oogan Iran
iyo Mareykanka, sanad kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
uu go’aan uu kaligiis qaatay uga baxay heshiiska Nukliyeerka Iran, dibna
usoo rogay cunaqabateennadii laga qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
AP