3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2019
Madaxweyne Farmaajo iyo madax kale oo Qaarrada ka tirsan oo maanta ka qeybgalaya furitaanka beerta Midnimada Itoobiya

 

Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

“Dhinacayaga, waxaa naga go’an dhiirri-gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalkeenna, taas oo ay fududeynayso duullimaadyada tooska ah ee maalinlaha ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha dalalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay dalalka Gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  

 













Click here
10/11/2019 4:45 PM EST
Jicmo, October, 11, 2019 (HOL)- Waxaa duleedka magaalada Addisababa Bishoftu Itoobiya, kusoo gababoobay shirkii 64-aad Wasiirada Beeraha Bariga Africa ee Ururka Bariga Africa ee la dagaalanka Ayaxa Saxaraha(DCL0-EA) 10th-11th October 2019.

10/11/2019 2:34 PM EST
Jicmo, October, 11, 2019 (HOL)- Waxaa maanta ka deggay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland wafdi uu horkacayay guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare Abshir Bukhaari.

10/11/2019 11:28 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Laba gantaal ayaa lagu weeraray Markab saliidda qaada oo ay leedahay Iran, xilli uu ku safrayey Badda Cad, meel u dhow Sacuudi Carabiya, sida ay maanta ku warrameen saraakiil Iranian ah.

10/11/2019 8:57 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan duullaadka ah uu ku dhex maray ciidamada dowlada federalka iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ah.

10/11/2019 7:19 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Diyaarad rakaab ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi kaddib markii diyaaradda ay ka baxday khadka garoonka ay diyaaradaha ku orddaan.

10/11/2019 6:53 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa xaqiijiyay in dowladda Kenya wafdi sare u direyso caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam

10/11/2019 5:34 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku guuleystay biladda abaal marinta nabadda.

10/11/2019 4:04 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland waxaa ku sugan inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda hadda jirta ee Federaalka, waxaana ka mid ah mas'uuliyiinta Kismaayo ku sugan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

10/11/2019 1:48 AM EST
Jicmo, October, 11, 2019 (HOL)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.