Dowladda Soomaaliya oo qoraal rasmi ah oo ka dhan ah ku xadgudubka hawada u gudbisay Kenya
Jicmo, October, 11, 2019 (HOL)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah
ee Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cabdulqaadir Axmed
Kheyri oo safiirka kula kulmay xarunta wasaaradda, ayaa u dhiibay qoraal ay
Soomaaliya kaga cabaneyso xad-gudubkii diyaarad laga leeyahay Kenya ku
xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October,2019, diyaaraddaas oo caga
dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo iyadoo aan oggolaansho ka haysan
dowladda Soomaaliya.
Soomaaliya si xooggan ayay uga cabaneysaa xad-gudubkaas, marnana ma
oggolaaneyso in lagu xadgudbyo xudduudeheeda cirka, badda iyo berrigaba, waxa
ayna ugu baaqeysaa in Kenya oo ciiddammadeeda jooga Jubbada hoose ay qeyb ka
yihiin ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ay jawaab ka bixiso xad-gudubkaas ay u
geysatay hawada Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa in ficilkaasi yahay mid ka
hor imaanaya mabaadi’da guud ee daris wanaagga iyo in aan la fara gelin
arrimaha gudaha ee dowladaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]