4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2019
Dowladda Norway oo Soomaaliya ku taageertay lacag deyn ah oo dhan $353 milyan oo dollar

 

Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Dowladda Norway ayaa shaaca ka qaaday in ay Soomaaliya amaahisay lacag dhan $353 milyan oo dollar, oo Soomaaliya ay isaga bixineyso lacagta looga leeyahay sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo labo bil kahor booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, ayaa maanta saxaafada Norway u sheegtay in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay Soomaaliya ka hirgashay xasilooni amni iyo mid siyaasadeed. Waxeyna dowlada Soomaaliya ku amaantay fulinta qorshayaasha amni iyo kuwa siyaasadeed ee dib loogu soo nooleynayon nidaamka maaliyadeed ee wadanka, kuwaas oo ay sheegtay inay muhiim u yihiin horumarka guud ee Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay wali ku sugantahay xaalad nugul, sidaas darteed deynta ay Norway ku caawineyso Soomaaliya, ay qeyb muhiim ah ka tahay dadaalka dib usoo noqoshada hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in deyntan aysan aheyn mid toos loo siinayo Soomaaliya, balse ay tahay mid Norway ay ku shubeyso sanduuqa horumarinta ee Bankiga aduunka, waxaana wixii intaas ka danbeeyo Soomaaliya u furmi doonto inay deyn ka qaadan karto sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka.

Soomaaliya ayaa haddii ay iska nadiifiso deynta looga leeyahay sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka waxaa u sahlanaan doonta in ay soo qaadato lacago amaah ah oo hor leh oo qeyb weyn ka qaadan kara fulinta mshaarciida hormarineed ee dalka.

Wasaarada arrimaha dibadda Norway ayaa sidoo kale sheegtay in bilowga sanadka danbe ee 2020 magaalada Paris lagu qaban doonto shirka go´aan ka gaarista barnaamijka deynta cafinta Soomaaliya. Waxeyna Norway rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya laga cafin doonto deynta lagu leeyahay, hadii ay kasoo baxdo shuruudaha dhiman ee ku xiran heshiiska qorshaha deyn cafinta ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo IMF.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]