4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2019
Wafuudii ugu badneyd oo maanta gaartay magaalada Kismaayo


Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)- Magaalada Kismaayo waxaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay wafuud kala duwan oo lagu wado in ay ka qeybgalaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Galinkii hore ee maanta waxaa gaaray Kismaayo wafdi ballaaran oo uu horkacayay madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani waxaana wafdiga qeyb ka ahaa Wasiiro, xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya.

Waxaa isla maanta Kismaayo ka degay labo diyaaradoo siday wafuud ay kala hoggaaminayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka soo dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ah xildhibaanno iyo ka kala tirsan labada Aqal ee dowaldda oo dhamaantood uu ku soo dhaweeyay Garoonka madaxweynaha caleemo saarkiisa loo socdo ee Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya oo horay uga mamnuucday siyaasiyiinta in ay u dhoofaan magaalada Kismaayo ayaa hadda u muuqata in ay fasaxday madaama labada diyaaradood ee siday wafdiga madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ay si toos ah uga duuleen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]