4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2019
Khilaaf ka dhashay shaqo ka joojin lagu sameeyay taliyihiin ciidanka Booliiska Hirshabeelle ee degmada Jalalaqsi

 

Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo Degmada Jalalaqsi u tagay xalinta xiisad halkaasi ka taagneyd ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Saldhiga Booliska degmadaasi Muuse Salaad.

Degmada Jalalaqsi waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd xiisad ka dhalatay iska horimaad gudaha degmada ku dhaxmaray ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti iyo  ciidamada Booliiska degmada ee maamul gobolleedka Hirshabeelle.

Taliyaha Booliiska saldhiga degmada Jalalaqsi Muuse Salaad ayaa  dhawaan diiday in ciidamada AMISOM damiyaan shirkadaha isgaarsiinta xili  ay doonayeen AMISOM in miino baaris ka sameeyaan degmadaasi iyo  hareeraheeda.

Ciidamada AMISOM ayaan aad uga carooday talaabada uu qaaday taliyaha booliiska, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Jalalaqsi ka tganeyd xiisada u dhaxeesay AMISOM iyo booliiska Jalalaqsi.

Taliyaha shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa diiday in uu u hogaansamo amarka Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa in taliyaha wali ku adkeesanayo in uu shaqadiisa sii wato.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]